DEG DEG: BF Soomaaliya oo laalay go’aankii R/W Xamza + Sababta
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa laalay qaraarkii dhawaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa laalay qaraarkii dhawaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan ah
Xamza ayaa maalmo kahor faray dhammaan golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda loo hirgeliyo hannaanka cusub ee shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.
Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah u faray guddiga shaqaalaha rayidka in 20-Sebteembar la bilaabo wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta lagu sameynayo agaasime waaxeedyada, maadaama ay laf-dhabar u yihiin maamulka hey’adaha dowladda, ayna door muuqda ka qaataan hoggaaminta, hirgalinta siyaasadda, fulinta qorsheyaasha iyo joogtaynta shaqada hey’adaha.
Ujeedada laga leeyahay nidaamkan ayuu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ku sheegay in dowladda federaalka ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, joogto ah, awoodda in uu hirgaliyo siyaasadda dowladda, una beddelo natiijooyin muuqda oo ay markhaati ka noqdaan shacabka Soomaaliyeed.
“Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad farqadda (1), Sharciga Shaqaalaha Rayid ah qodobkiisa 7aad, iyo dhammaan xeerarka, shuruucda iyo qaraarada la xiriira Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladdda Federaalka ah, ayuu faray dhammaan Wasiirrada iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza Cabdi Barre.
Intaas kadib xildhibaannada Baarlamaanka ayaa maanta ka dooday wareegtada uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha dalka, iyaga oo meesha ka saaray kadib codeyn gacantaag ah oo golaha laga dhex sameeyey.
136 Xildhibaan ayaa ogolaatay in laalo qaraarka Ra’iisul wasaaraha, waxaa diiday 2 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 kale, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullahi Abshiroow.
“Sidaad la socotiin waxaa jiray qaraar ay ka shaqeeyeen xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah wasaaradaha oo ku saabsanaa in agaasime waaxeedyada hay’adaha dowladda ee shaqaalaha rayidka iyadoo aysan jirin shuruuc nidaamineysa ayaa waxaan u maleyneynaa in hay’adda fulinta ay ku deg-degtay arrintan,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Maanta dooda waxay ku saabsaneyd in arrintaas laga doodo waxaan u codeynay in lalaalo oo aysan shaqeyn karin wareegtadii xafiiska Ra’iisul wasaaraha kasoo baxday xidhibaannadu waxay ugu codeeyeen sidan; waxaa ka aamusay 2 xildhibaan waxaa diiday laba xildhibaan oo kale waxaa ogolaatay 136 mudane”.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · xamza · laalay · soomaaliya