Turkiga oo beeniyay in Soomaaliya ay xayiraad Fiiso ku soo rogtay muwaadniinteeda
Ankara ( Raxanreeb Online) Dowladda Türkiye ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay xayiraado cusub oo dhinaca fiisaha iyo socdaalka ah kusoo rogtay muwaadiniinta u dhashay Türkiye.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Ankara ( Raxanreeb Online) Dowladda Türkiye ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay xayiraado cusub oo dhinaca fiisaha iyo socdaalka ah kusoo rogtay muwaadiniinta u dhashay Türkiye.
Hay’adda Türkiye u qaabilsan la-dagaallanka wararka marin-habaabinta ah ayaa sheegtay in wararkaasi aysan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aanu jirin go’aan cusub oo Dowladda Soomaaliya ay ku xaddidayso socdaalka muwaadiniinta Türkiye.
Hay’addu waxay caddeysay in nidaamka socdaalka iyo fiisaha ee khuseeya muwaadiniinta labada dal aanu waxba iska beddelin, iyadoo bulshada loogu baaqay inay ka digtoonaato wararka aan laga soo xigan ilo rasmi ah.
Beenintan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyey qoraallo sheegaya in Soomaaliya ay wax ka beddeshay habraacyada gelitaanka dalka ee muwaadiniinta Türkiye, arrintaas oo dhalisay hadal-hayn.
Türkiye iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhow oo muddo dheer soo jiray, waxaana labada dowladood ka dhexeeya iskaashi dhinacyo badan taabanaya, oo ay ka mid yihiin amniga, difaaca, ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soomaaliya · rogtay · soo