DF Soomaaliya iyo WFP oo gaaray heshiis cusub oo ku saabsan…
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya, Hameed Nuru ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo iskaashi.
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya, Hameed Nuru ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo iskaashi.
Heshiiska ayaa qeexaya qaabka ay SoDMA iyo WFP uga wada shaqeyn doonaan arrimaha la xiriira maareynta musiibooyinka iyo gurmadka bani’aadannimo labada sano ee soo socota.
Wada-shaqeynta labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda Soomaaliya ee saadaalinta khataraha iyo diyaar-garowga xaaladaha musiibooyinka.
Sidoo kale, heshiiska ayaa lagu xoojinayaa nidaamyada digniinta hore iyo tallaabada hore, si loo suurageliyo in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee dalka ka dhaca.
Labada hay’adood ayaa sidoo kale ka wada shaqeyn doona sidii loo heli lahaa gurmad bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah, gaar ahaan xilliyada ay bulshada Soomaaliyeed la kulmaan xaalado degdeg ah iyo musiibooyin.
Heshiiska ayaa sidoo kale taageeraya xoojinta nidaamka maareynta khataraha musiibooyinka, sugnaanta cunnada, taageerada bani’aadannimada iyo kobcinta awoodda bulshada.
Ujeeddada wada-shaqeyntan ayaa ah in la yareeyo saameynta ay musiibooyinku ku yeeshaan bulshada, lana ilaaliyo nolosha iyo nolol-maalmeedka dadka Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo awoodda dalka ee ka hortagga iyo wax-ka-qabashada musiibooyinka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · cusub · wfp · soomaaliya
Keep reading
Live story thread
Open live story