Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegatay maalintii taariikhiga ahayd ee 1-da Luulyo, oo ku beegan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyee

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegatay maalintii taariikhiga ahayd ee 1-da Luulyo, oo ku beegan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, isaga oo xusay qiimaha ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay usoo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa waxaa gaarda ka ciyaar ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo bandhigay awooddooda iyo diyaar-garoow heer sare ah, iyadoo lagu soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, qalab ciidan oo casri ah iyo diyaaradaha dagaalka, taasi oo muujisay horumarka ay dowladdu ka sameysay dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabaddan qiimaha weyn ugu fadhida qarannimada, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo difaaca madax-bannaanida dalka si loo xaqiijiyo Soomaaliya amni leh, horumarsan oo ku dhisan isku filnaansho iyo dowladnimo buuxda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.