Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo diiradda lagu saaray koboc dhaqaale oo waara
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka Maal-gelinta Horumarinta Soomaaliya, kaas oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB). Shirka waxaa ka…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka Maal-gelinta Horumarinta Soomaaliya, kaas oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Shirka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, ganacsatada, maamulayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya.
Intii uu socday shirka ayaa looga hadlay fursadaha iyo baahiyaha maal-gelinta horumarineed ee dalka, iyadoo diiradda la saaray sidii Soomaaliya looga gudbi lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maal-gelinta horumar waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Hiigsiga Qaranka 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya loogu horseedayo dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, iyadoo loo baahan yahay maal-gelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · shirka · soomaaliya · horumarinta
Keep reading
Live story thread
Open live story