Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
SoDMA iyo Dowlad-goboleedyada oo Baydhabo uga qeyb galaya Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (
Baydhabo – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu qaban doono Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026). Wafdiga waxaa qeyb ka ah Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedyada dalka, waxaana Baydhabo ku soo dhaweey

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Baydhabo – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu qaban doono Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026).
Wafdiga waxaa qeyb ka ah Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedyada dalka, waxaana Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiir Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa sheegay in shirka uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda howlaha bani’aadannimada ee dalka.
Ugu danbeyn,Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay maamulka Koonfur Galbeed soo dhoweynta ay u sameeyeen wafdiga, isagoo xusay in madashan ay muhiim u tahay mideynta dadaallada lagu horumarinayo u diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.