Xasan oo shaaciyay macdano qaali ah oo la xaqiijiyay inay Soomaaliya ku jiraan
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in la xaqiijiyay jiritaanka macdano muhiim ah oo ku jira dhulka Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin uranium, lithium iyo cobalt.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in la xaqiijiyay jiritaanka macdano muhiim ah oo ku jira dhulka Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin uranium, lithium iyo cobalt.
Hadalkan ayuu Madaxweynuhu sheegay xilli uu furayay Madasha Maaliyadda Horumarinta Soomaaliya oo looga hadlayay arrimo la xiriira kobcinta dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga iyo sidii loo xoojin lahaa ilaha dakhliga dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay khayraad dabiici ah oo kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin macdanta dhulka hoostiisa, kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, balse loo baahan yahay khibrad, maalgashi iyo iskaashi caalami ah si khayraadkaasi looga faa’iidaysto.
“Maanta dunidu waxay si weyn u danaynaysaa macdanta, gaar ahaan waxa loo yaqaan macdanta dhifka ah. Haddii ay tahay uranium, lithium, cobalt iyo kuwo kale oo badan oo dunidu hadda raadineyso, waxaa la xaqiijiyay inay Soomaaliya ku jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca maalgashiga, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saarayso abuurista jawi ku habboon oo ay maalgashadayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah dalka ugu soo laaban karaan, iyadoo la doonayo in la ballaariyo fursadaha dhaqaale.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in kalsoonida maalgashadayaasha ay ku xiran tahay xasillooni, sharciyo cad iyo hay’ado awood u leh inay si hufan u shaqeeyaan. Wuxuu arrimahaas ku xiray horumarinta warshadaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo nidaamyada fududeynaya ganacsiga.
Intii ay socotay Madasha Maaliyadda Horumarinta Soomaaliya, waxaa lagu soo bandhigay qorshayaal ay dowladdu sheegtay inay ku wajahan yihiin ballaarinta kobaca dhaqaalaha, kordhinta maalgashiga iyo dhisidda saldhigyo dhaqaale oo horseeda horumar waara.
Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh si rasmi ah uma uusan xusin goobta ama meelaha laga helay macdanaha uu sheegay in Soomaaliya laga xaqiijiyay inay ku jiraan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay xilligan sidoo kale ku howlan tahay qorshayaal la xiriira soo saarista shidaalka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soomaaliya · macdano · xasan