Muxuu wasiirkii arrimaha dibedda Maxamed C/risaaq ka yiri warqadda Puntland
Waxaan akhriyey warqaddii Madaxweyne Deni uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka. Qeybo qoraalka ka mid ah aad bay ii dhibeen—taas macnaheedu ma aha in cabashooyinka Puntland aysan ahayn kuwo jira, balse Deni wuxuu sheeganayaa wax ka baxsan…

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Waxaan akhriyey warqaddii Madaxweyne Deni uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka. Qeybo qoraalka ka mid ah aad bay ii dhibeen—taas macnaheedu ma aha in cabashooyinka Puntland aysan ahayn kuwo jira, balse Deni wuxuu sheeganayaa wax ka baxsan awoodihiisa iyo waajibaadkiisa.
Qoraalkiisa wuxuu leeyahay – “Puntland waxay hadda wajahaysaa cadaadis kaga imanaya shacab aad u tiro badan oo doonaya inay si buuxda uga go’aan Soomaaliya.”
Meeday caddaynta? Afti miyaa la qaaday? La-tashi dadweyne miyaa dhacay? Afkaarta dadka miyaa la ururiyay? Halkuu mandate-ka ka haystaa?
Waxaa kale oo uu leeyahay: “Puntland waxay ugu dambayn ka fiirsan kartaa inay si joogto ah xiriirka uga jarto Muqdisho.”
Yaa Deni u siiyey awooddaas uu Puntland kaga jarayo dalka?
Puntland ma aha Deni, Deni-na ma aha Puntland.
Sannadkii 1998-kii, shacabka Puntland waxay shirkii dastuuriga ahaa ee Garoowe si ku talogal ah ugu go’aansadeen inay qayb ka ahaadaan Soomaaliya ku dhisan nidaam federaal ah. Taariikhdaas hal hoggaamiye siyaasadeed maanta iskama beddeli karo.
Tankale, Deni ma iska baxshay galoofisyadii dagaalka oo ma ka tanaasulay hammigiisii ahaa inuu noqdo Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya? Waayo, warqaddiisu waxay u muuqataa inay leedahay: “Hadaanan helin heshiiska siyaasadeed ee aan doonayo, Puntland way ka go’aysaa Soomaaliya.”
Taasi waxay ka dhigan tahay ninkii yiri: “Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyay.”
Maya, taas lagaa diid. Mahadsanid.
Waa run, Xasan Sheekh wuxuu galay xadgudubyo culus oo dastuuri ah iyo kuwo siyaasadeedba. Muddadii dastuuriga ahayd ee xil-heyntiisu wey dhammaatay. Xukuumaddiisu waxay awood ciidan u adeegsatay Jubaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana ku dhintay dhalinyaro Soomaaliyeed. Kumannaan qof ayaa guryahooda laga barakiciyey, hay’adihii dowladdana waa la wiiqay, musuqmaasuqa iyo eexduna waxay gaareen heerkii ugu darnaa.
Cabashooyinkaas ma aha kuwo u gaar ah hal qabiil, hal gobol ama hal dhinac siyaasadeed. Soomaali inteeda badan oo ka kala socota dalka oo dhan—oo ay ku jiraan reer Puntland—iyo qurbo-joogtu way wada qabaan aragtidaas.
Haddaba maxaad Xasan Sheekh u siinaysaa meel uu ka baxsado, adigoo leh Puntland waxay ka go’i kartaa Soomaaliya? Maxaad u oggolaanaysaa inuu doodda ka leexiyo xadgudubyadiisa dastuuriga ah, oo uu u beddelo dood ku saabsan difaaca midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya? Maxaad u oggolaanaysaa inuu u muuqdo mid ka macquulsan dadka siyaasadda kaga soo horjeeda, arrin ay ahayd inaan dhammaanteen ka mideysnaano?
Maxaad ugu oggolaanaysaa inuu caalamka ugu muuqdo qof ka macquulsan mucaaradkiisa marka ay noqoto midnimada Soomaaliya?
Kulama dagaalami karo shakhsi inuu ku-takri-fallay awood, anagoo isla markaana u ogolaanayna inuu midkale sheegto magac iyo awood shacbi uusan ogolaasho u haysan.
Soomaaliya waxaa leh dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, Puntland-na dadkeeda.
Ma jiri karo hoggaamiye siyaasadeed oo xaq u leh inuu magaca Soomaaliya ama Puntland iyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ku bedesho dano gaar ah, ama uu iska sameysto awood uu ku sheegto in dadku doonayaan gooni-isu-taag.
Waxaa qoray Maxamed Cabdirisaaq, wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya oo reer Puntland ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · puntland · wasiirkii · arrimaha