Puntland oo shaacisay inay soo furatay markab shidaal oo afduub loo haystay
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay inay howlgal ku soo furtay markab ay kooxo burcad-badeed ku haysteen xeebaha Mudug, iyadoo maamulka ay xaqiijiyay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa lasoo badbaadiyay.

Waxa muhiimka ah
- Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu badbaadiyay markabka MTT-SIBU 1 iyo shaqaalihii saarnaa.
- Dagaalka howlgalka ka dhacay ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca dhowr kalena.
- Markabkan ayaa 21-kii August laga afduubtay xeebaha dalka Yemen.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay inay howlgal ku soo furtay markab ay kooxo burcad-badeed ku haysteen xeebaha Mudug, iyadoo maamulka ay xaqiijiyay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa lasoo badbaadiyay.
Howlgalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Puntland ay sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen dagaalka, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Markabka oo lagu magacaabo MTT-SIBU 1 ayaa lagu qabtay meel u dhexeysa xeebaha Garacad iyo Hobyo, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Puntland. Markabkan ayaa siday shidaal, wuxuuna ku safrayay calanka dalka Eritrea.
Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa fuliyay howlgalka lagu soo furtay markabka, xilli ciidamadu ay maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah kooxaha burcad-badeedda ka wadeen xeebaha Puntland.
War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu badbaadiyay markabka iyo shaqaalihii saarnaa, iyadoo ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen markabka kaddib iska horimaad ay la galeen kooxdii haysatay.
Markabka SIBU 1 ayaa 21-kii August laga afduubtay xeebaha dalka Yemen, ka hor inta aysan kooxihii qabsaday u soo jiheysan xeebaha Soomaaliya.
Furashada markabka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xeebaha Mudug iyo deegaanno kale oo Puntland ah ay ciidamada badda ka wadaan howlgallo lagu beegsanayo kooxaha ku lugta leh afduubka iyo qabsashada maraakiibta.
Puntland ayaa sheegtay in howlgalka uu kusoo dhammaaday si guul leh, laguna soo furashada markabka iyo shaqaalihii saarnaa, iyadoo laamaha ammaanku ay sii wadaan howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha burcad-badeedda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · puntland · markab · soo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada