Golaha Mustaqbalka oo Hawiye ku dacweeyay Xasan, kana dalbaday inay…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiGolaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa eedeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu isku dayayo inuu weeraro hoyga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka jirto Muqdisho.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu yeeray madaxweyne hore, laga celcelinayo inuu weeraro guriga Shariif.
- “Xasanow, ninka lagaa celcelinayo waa ninkii hoggaamiye kooxeedyada dalka ka saaray ee la yaqaan waxa uu yahay ee Sheekh Shariif,” ayuu yiri Odowaa.
- Waxa uu intaas ku sii daray: “Shantii habeen ee la soo dhaafay gurigiisa ayaa lagaa celcelinayay, adigoo doorashadii maafiyada ahayd qaatay.”
- Odowaa ayaa beesha Hawiye ku dacweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sidoo kale beesha ugu baaqay inay gacanta ka qabtaan madaxweynaha, isla markaana ay gardaradiisa ku qaadan Madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda, taasoo saameyn ku yeelan karta amniga iyo xasilloonida gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee mucaaradka qaadi doonaan si ay uga jawaabaan eedeymahan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa eedeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu isku dayayo inuu weeraro hoyga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
- Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo dhankeeda soo bandhigtay caddeymo ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Shariif oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee de
- Madaxweynihii hore ayaa eedeymahaas iska fogeeyay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo caawa shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu magaalada Muqdisho ka deggan yahay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay isku-day weerar oo ka dhan ah Shariif.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu yeeray madaxweyne hore, laga celcelinayo inuu weeraro guriga Shariif.
“Xasanow, ninka lagaa celcelinayo waa ninkii hoggaamiye kooxeedyada dalka ka saaray ee la yaqaan waxa uu yahay ee Sheekh Shariif,” ayuu yiri Odowaa.
Waxa uu intaas ku sii daray: “Shantii habeen ee la soo dhaafay gurigiisa ayaa lagaa celcelinayay, adigoo doorashadii maafiyada ahayd qaatay.”
Odowaa ayaa beesha Hawiye ku dacweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sidoo kale beesha ugu baaqay inay gacanta ka qabtaan madaxweynaha, isla markaana ay gardaradiisa ku qaadan Madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.
“Umadda Hawiye ee magaaladan deggan waxaa la rabaa in ciddii gardarrada leh la saaro, cidda aan gardarrada lahayna garteeda loo sheego. Haddii kale, warkii Hawiyaha isku layn jiray ee ahaa ‘Cali-na gar leh, Caydiidna gar leh ayuu warkiinu noqonaya,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.
Hadalkan ayaa imanaya xilli shalay si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Shariif Sheekh Axmed iyo kuwa dowladda, kuwaas oo qarka u saarnaa inay isku dhacaan kaddib markii ay labada dhinac isku soo dhowaadeen, taas oo dhalisay cabsi laga qabo inuu dagaal dhex maro labada dhinac.
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo dhankeeda soo bandhigtay caddeymo ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Shariif oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir. Hase yeeshee, madaxweynihii hore ayaa eedeymahaas iska fogeeyay.
Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in 24-kii Juun 2026 ay maleeshiyaadkan weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, isla markaana ay afduubteen mid ka mid ah ciidamadii gudanayay waajibaadkooda. Hay’addu waxay intaas ku dartay in 27-kii Juun 2026 ay mar kale hor istaageen howlaha amni ee ciidamada ka waday Waaxda General Daa’uud.
Dhankiisa, madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ayaa soo bandhigay tabashooyinkiisa iyo eedeymo uu u jeediyay ciidamada dowladda. Waxa uu tilmaamay inay jireen dhacdooyin isdaba joog ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaado saameeyay isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Shariif.
Waxa uu sidoo kale xusay in la hor istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka, sida biyaha iyo cunnada, balse ay muujiyeen dulqaad si looga fogaado isku dhac hubeysan.
Si kastaba, xiisadda labada dhinac ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda, taas oo salka ku haysa muranka doorashooyinka iyo dastuurka cusub.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa eedeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu isku dayayo inuu weeraro hoyga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka jirto Muqdisho.
Qodobada muhiimka ah
- Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa eedeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu isku dayayo inuu weeraro hoyga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
- Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo dhankeeda soo bandhigtay caddeymo ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Shariif oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee de
- Madaxweynihii hore ayaa eedeymahaas iska fogeeyay.
- NISA ayaa sheegtay in 24-kii Juun 2026 ay maleeshiyaadkan weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, isla markaana ay afduubteen mid ka mid ah ciidamadii gudanayay waajibaadkooda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan eedeymaha.
- Eedeymaha ay soo bandhigtay NISA ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaaladda hadda ee weerarada la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Mucaaradka ayaa si firfircoon uga jawaabaya tallaabooyinka dowladda, taasoo keeni karta walaac ku saabsan suurtagalnimada rabshado Muqdisho ka dhaca.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee mucaaradka qaadi doonaan si ay uga jawaabaan eedeymahan?
- Sidee ayey dowladda uga jawaabi doontaa xiisadaha sii kordhaya ee Muqdisho?
- Maxay yihiin caddeymaha ay NISA haysato si ay u taageerto eedeymaha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda, taasoo saameyn ku yeelan karta amniga iyo xasilloonida gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · mustaqbalka · golaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada