Golaha wasiirada oo go’aan cusub ka gaaray dhaqan-gelinta dastuurka cusub
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiGolaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey qaraar cusub oo lagu dardargelinayo dhaqan-gelinta Dastuurka dalka intii lagu guda jiray shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayGo’aankan ayaa lagu gaaray shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyadoo goluhu uu magacaabay guddi heer wasiir ah iyo guddi farsamo oo isku dubbarida howlaha la xiriira hirgelinta Dastuurka.
- Qaraarka oo ka kooban shan qodob, laguna faahfaahiyey dokumenti laba bog ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faraya hay’adaha dowladda inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah hirgelinta qodobbada Dastuurka ee aan u baahnayn in marka hore loo sameeyo xeerar kale.
- Sida ku cad qaraarka, tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in laga fogaado dib-u-dhac iyo firaaq sharci oo ka dhasha hirgelinta Dastuurka, iyadoo la dejinayo hannaan mideysan oo hay’adaha dowladda ku hagaya gudashada waajibaadkooda.
- Go’aan la gaarayGuddiga cusub iyo xeerka xukuumadda Golaha Wasiirrada ayaa guddiga heer wasiir u magacaabay inuu hoggaamiyo dardargelinta, isku dubbaridka iyo jadwaleynta howlaha dhaqan-gelinta Dastuurka, isla markaana dabagal ku sameeyo qorshayaasha ay hay’adaha dowladdu fulinayaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo dhaqan geliyo Dastuurka cusub?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey qaraar cusub oo lagu dardargelinayo dhaqan-gelinta Dastuurka dalka.
- Guddiga heer wasiir u magacaabay inuu hoggaamiyo dardargelinta, isku dubbaridka iyo jadwaleynta howlaha dhaqan-gelinta Dastuurka.
- Qodobka afraad ee qaraarka ayaa dhigaya in muddo aan ka badnayn laba bilood lagu diyaariyo hindise-xeerka nidaaminta xukuumadda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa xalay ansixiyey qaraar cusub oo lagu dardargelinayo dhaqan-gelinta Dastuurka dalka, kaas oo dhigaya in hay’adaha dowladda ay waafajiyaan shaqadooda qodobbada dastuuriga ah, isla markaana la diyaariyo xeer qeexaya tirada wasaaradaha iyo waajibaadkooda.
Go’aankan ayaa lagu gaaray shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyadoo goluhu uu magacaabay guddi heer wasiir ah iyo guddi farsamo oo isku dubbarida howlaha la xiriira hirgelinta Dastuurka.
Qaraarka oo ka kooban shan qodob, laguna faahfaahiyey dokumenti laba bog ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faraya hay’adaha dowladda inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah hirgelinta qodobbada Dastuurka ee aan u baahnayn in marka hore loo sameeyo xeerar kale.
Sida ku cad qaraarka, tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in laga fogaado dib-u-dhac iyo firaaq sharci oo ka dhasha hirgelinta Dastuurka, iyadoo la dejinayo hannaan mideysan oo hay’adaha dowladda ku hagaya gudashada waajibaadkooda.
Guddiga cusub iyo xeerka xukuumadda
Golaha Wasiirrada ayaa guddiga heer wasiir u magacaabay inuu hoggaamiyo dardargelinta, isku dubbaridka iyo jadwaleynta howlaha dhaqan-gelinta Dastuurka, isla markaana dabagal ku sameeyo qorshayaasha ay hay’adaha dowladdu fulinayaan.
Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana xubno ka ah wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Maaliyadda, Waxbarashada, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Qodobka afraad ee qaraarka ayaa dhigaya in muddo aan ka badnayn laba bilood lagu diyaariyo hindise-xeerka nidaaminta xukuumadda, kaas oo qeexaya tirada wasaaradaha iyo waajibaadka ay kala leeyihiin.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xeerkan uu noqon doono kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee dalka yeesho tan iyo sanadkii 1968-kii, taas oo ka dhigan in dowladda ay doonayso inay qaab sharciyeed cusub u dejiso dhismaha iyo shaqooyinka wasaaradaha.
Hase yeeshee, qaraarka lama shaacin wax tiro ah oo lagu soo koobayo ama lagu kordhinayo wasaaradaha, iyadoo arrintaasi ay qayb ka noqon doonto hindise-xeerka la diyaarinayo.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo hay’adaha kale ee ay khusayso faray inay dadweynaha la wadaagaan hannaanka dhaqan-gelinta Dastuurka iyo tallaabooyinka laga qaaday hirgelintiisa.
Dhaqan-gelinta dastuurka iyo khilaafka siyaasadeed
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dastuurka cusub uu dhaqan galay, isla markaana fulintiisa loo marayo marxalado kala duwan oo lagu waafajinayo nidaamka maamulka iyo hay’adaha dowladda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay ka shaqaynayso sidii sannadka soo socda dalka looga qaban lahaa doorashooyin heer federaal ah oo ku dhisan nidaamka qof iyo cod.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo 14-ka Oktoobar ay ku egtahay muddadii lixda bilood ahayd ee loo qabtay dhaqan-gelinta qodobbada Dastuurka ee kala saaraya xilalka wasiirnimada iyo xildhibaannimada.
Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa toddobaadkii hore sheegay in xubnaha xukuumadda ee sidoo kale ah xildhibaannada laga doonayo inay kala doortaan labada xil, marka ay dhammaato muddada kala-guurka.
Qaraarka cusub ee Golaha Wasiirrada si gaar ah ugama hadlin tallaabooyinka laga qaadayo xubnaha ay arrintaasi khusayso marka la gaaro 14-ka Oktoobar.
Dastuurka cusub ayaa Baarlamaanka Federaalka ansixiyey 4-tii Maarso 2026, waxaana afar maalmood kaddib saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo soo afjaray geeddi-socod dib-u-eegis dastuuri ah oo socday muddo ka badan toban sano.
Hase yeeshee, wax ka beddelka Dastuurka ayaa weli xuddun u ah khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo diiddan hannaanka loo maray iyo isbeddellada lagu sameeyey muddo-xileedyada hay’adaha federaalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey qaraar cusub oo lagu dardargelinayo dhaqan-gelinta Dastuurka dalka intii lagu guda jiray shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Qodobada muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey qaraar cusub oo lagu dardargelinayo dhaqan-gelinta Dastuurka dalka.
- Guddiga heer wasiir u magacaabay inuu hoggaamiyo dardargelinta, isku dubbaridka iyo jadwaleynta howlaha dhaqan-gelinta Dastuurka.
- Qodobka afraad ee qaraarka ayaa dhigaya in muddo aan ka badnayn laba bilood lagu diyaariyo hindise-xeerka nidaaminta xukuumadda.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dastuurka cusub uu dhaqan galay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Lama sheegin tirooyin gaar ah oo ku saabsan dib-u-habeynta wasaaradaha.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada kale ee siyaasadda ee ku saabsan qaraarka.
Gunaanadka akhristaha
Golaha Wasiirrada ayaa qaaday tallaabooyin lagu dardargelinayo dhaqan-gelinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo dhaqan geliyo Dastuurka cusub?
- Sidee bulshada loogu wargelin doonaa habka dhaqan-gelinta?
- Maxay yihiin saamaynta Dastuurka cusub ee doorashooyinka soo socda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · gelinta · golaha · dhaqan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada