Xasan Sheekh oo Golaha Ammaanka ka sheegay in aan la aqbali karin in…
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha caalamka.

Waxa muhiimka ah
- Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay dib loogu soo celiyo kalsoonida caalamka, lana xoojiyo nidaamka dhinacyada badan.
- isagoo ku baaqay in codka Afrika uu si buuxda uga dhex muuqdo go’aanada caalamiga ah.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xaqa shacabka reer Falastiin u leeyihiin aayo-ka-tashi.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha caalamka.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku xusay caqabadaha ka dhashay colaadaha, loollanka juqraafi-siyaasadeed, isbeddelka cimilada iyo hoos u dhaca iskaashiga caalamiga ah.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo bandhigay guulaha iyo horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta iyo amniga, iyo sidoo kale dadaallada lagu dhammaystirayo Dastuurka dalka.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, isagoo tilmaamay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrimahaasi ku waddo.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay dib loogu soo celiyo kalsoonida caalamka, lana xoojiyo nidaamka dhinacyada badan iyo fulinta go’aannada caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in Qaaradda Afrika ay ka maqnaato fadhiyada iyo madallada lagu go’aaminayo masiirka ummadda dunida, isagoo ku baaqay in codka Afrika uu si buuxda uga dhex muuqdo go’aanada caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xaqa shacabka reer Falastiin u leeyihiin aayo-ka-tashi, dowladnimo iyo nolol ku dhisan nabad iyo amni. Waxa uu ku baaqay in la helo xal waara oo caddaalad ah oo ku saleysan laba dowladood, lana dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha caalamka.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha caalamka.
- Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay dib loogu soo celiyo kalsoonida caalamka, lana xoojiyo nidaamka dhinacyada badan.
- isagoo ku baaqay in codka Afrika uu si buuxda uga dhex muuqdo go’aanada caalamiga ah.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xaqa shacabka reer Falastiin u leeyihiin aayo-ka-tashi.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan hadallada Madaxweynaha.
- Eedeymaha Madaxweynaha ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan jawaabaha khudbadda Madaxweynaha.
Gunaanadka akhristaha
Khudbadda Madaxweynaha waxay muujinaysaa mowqifka Soomaaliya ee arrimaha caalamiga ah iyo ballanqaadkeeda ku aaddan iskaashiga caalamiga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Madaxweynaha soo jeedinayo si loo xoojiyo nidaamka dhinacyada badan?
- Sidee loo hirgelin doonaa taageerada Soomaaliya ee Falastiin si wax ku ool ah?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka codka Afrika ee lagu matalo go'aanada caalamiga ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sheekh · xasan · golaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada