Topic
Warkasta is tracking galmudug across 40 reports from 10 sources. Recent coverage touches politics, cusub, and doorashada, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Taliyaha Qaybta Guud ee Ciidanka Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa ka qaybgalay shir looga hadlay xaaladda amniga Galmudug, kaas oo uu maanta guddoomiyey Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Liibaan Axmed Xasan. Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaamiye Ku-xigeenka Galmudug, Cabdiweli Ibraahim Garyare, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska
Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa, kaddib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb. Boqor Buurmadow ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Liibaan Axmed Xasan uu horumar gaarsiin doono Galmudug, isla markaana uu…
Mucaaradka Soomaaliya ayaa hoos u dhacay kaddib markii qaar ka mid ah shaqsiyaadkooda caanka ah ay hambalyo u direen Liban Axmed Xasan oo loo doortay hogaamiyaha dowlad goboleedka Galmudug, inkastoo ay muddo dheer diidan yihiin habraacyada doorashooyinka la midka ah ee ay fulisay dowladda federaalka. Ra'iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka mucaaradka ah ee hambalyo u diray Liban.
Galmudug ayaa noqotay maamulkii labaad ee hoggaamiyahooda ay doortana Gole wakiilo oo ay dadku soo doorteen, wallow mucaaradka Soomaaliya ay si weyn u dhaliileen doorashada qof iyo codka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan iyo ku-xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Garyare oo maanta ay xubnaha Golaha Wakiillada ku doorteen magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha ayaa labada mas’uul ugu hambalyeeyey kalsoonida ay ka heleen xubnaha Go
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Khamiistii hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Garyare, kaddib markii ay ku guuleysteen doorashadii hoggaanka maamulkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guusha labada mas’uul ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo u rajeeyay inay si wanaagsan u gutaan wa
MUQDISHO, Soomaaliya — Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa Khamiista hambalyo u diray hogaamiyaha cusub ee gobolka Galmudug Liibaan Axmed Xasan iyo ku xigeenkiisa, Abdiwali Ibrahim Garyare, kadib guulkooda doorashada hogaaminta gobolka. Bayaan uu soo saaray, Barre ayaa natiijada ku tilmaamay guul taariikhi ah wuxuuna labada mas'uul u rajeeyay guul…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Ku-xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Garyare, oo maanta khamiista lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Muungaab oo hoggaanka cusub ee Galmudug u rajeey
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan doorashadii maanta ka dhacday magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb, taas oo Madaxweynaha cusub ee Galmudug loogu doortay Mudane Liibaan Axmed Xasan, halka Cabdiweli Ibraahim Garyare isna loo doortay madaxweyne ku-xigeenka maamulka
DHUSAMAREB, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii hambalyo u diray hoggaanka cusub ee la doortay ee dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo ku boorinaya inay mudnaanta siiyaan amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka. Liibaan Axmed Xasan ayaa loo doortay madaxweynaha Galmudug, halka Abdiweli Ibrahim Garyare loo doortay ku-xigeenkiisa xubnaha baarlamaanka gobolka ee Dhusamareb, …
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiistii hambalyo u diray hoggaanka cusub ee dowlad-goboleedka Galmudug, isaga oo ugu baaqay inay mudnaanta koowaad siiyaan amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta adeegyada bulshada. Liibaan Axmed Xasan ayaa loo doortay hoggaamiyaha Galmudug, halka Cabdiweli Ibraahim Garyare loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka, ka
Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono amniga, dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug iyo bixinta adeegyada muhiimka ah.
Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaasi. Illaa afar musharrax ayaa ku loollamaya xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo shalay Golaha Wakiillada Galmudug kahor jeediyay barnaa
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa liiska musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-Xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa galabta shaaciyay liiska musharrxaiinta ku tartamaya xilka madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo la qorsheynayo in la qabto maalmaha soo socda. Guddiga ayaa sheegay in illaa afar musharrax oo laba kamid ah ay ku loollami doonaan xilka madaxweynaha, halka labada kale ay ku…
Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, munaasabad ka dhacday xarunta Golaha ee magaalada Dhuusamareeb. Munaasabadda xil-wareejinta oo qabsoontay 19-ka Oktoobar 2026 ayaa…
Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Golaha oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Wasiirro, xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug,hawlwadee
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan, kuwaas oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda…
Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod oo ka mid… Sii akhri
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u doortay Guddoonka cusub ee Golaha, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur oo ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga Cadaaladda iyo…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axaddii hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug iyo labadiisa ku xigeen ka dib markii la doortay iyaga oo ku sugan Dhusamareb, caasimadda gobolka. Xuseen Maxamed Nuur ayaa loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug, halka Cabdulkadir Axmed Cali Quri loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo Mursal…
Golaha Wakiillada Galmudug ayaa guddoomiye u doortay Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur, ka dib Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska musharraxiinta u tartamaya xilalka Guddoomiyaha iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug.…
Maamulka Galmudug ayaa caawa yeelatay Baarlamaankeedii ugu horreeyay ee ku yimaada codka dadweynaha, kaddib markii la dhaariyey xildhibaannada cusub. Xildhibaannada cusub ayaa dhammaantood ah dhallinyaro, taas oo Baarlamaanka ka dhigaysa mid ay si buuxda u matalaan jiilka da’da yar ee kaalin cusub ka qaadanaya hoggaanka iyo siyaasadda Maamulka Galmudug.
Mohamed Sheekh Axmed ayaa noqday guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug, kaddib markii maanta la dhaariyey xildhibaannada cusub ee golaha, oo ka kooban 89 xubnood.…
Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay guuleystayaasha doorashada baarlamaanka Galmudug State Talaadadii ka dib markii maxkamadda sare ay ansixisay natiijooyinka doorashooyinka dib u dhacday ee 30-ka Sebtember.
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa saaka shaaciyay jadwalka doorashada hoggaaanka sare ee Galmudug, gaar ahaan doorashada guddoonka baarlamaanka, midda madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Guddiga ayaa sheegay in 18-ka bishan ay dhacayso doorashada guddoonka Golaha Wakiilada, taas oo haatan si loogu diyaar garoobayo. Sidoo kale, doorashada madaxweynaha c
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijooyinka doorashada dib u dhacday ee Golaha Wakiilada Galmudug oo la qabtay 30ka Sebtembar, 2026,…
Maxkamadda Sare ee dalka ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug, taas oo dhacday 30-kii Sebtembar ee sanadkan 2026, taas oo ay ka qayb-galeen 12 urur oo ku loollamay 89 kursi oo Golaha Wakiillada ah. Maxkamaddu oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in aanay…
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran, Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug, maamulka degmada Balanballe iyo qeybaha kala duwan ee deegaankan ku dhaqan. Ra’iisul
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Balanballe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Taliyaha Hay’adda Sirdoonk
By Abdiqani Haji Abdi Tijaabooyinka ugu dambeeyay ee Soomaaliya ee doorashooyinka tooska ah ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa Dowladda Federaalka ku soo bandhigtay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dimuqraadiyadda. Laakiin hoosta dabaaldegga waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo aad u qoto dheer: ma dhab ahaan ayaa codbixiyayaashu dooranayaan hoggaamiyahooda, mise waxaa lagu weydiinayaa inay ansixiyaan natiijooyinka siyaasadeed ee horey u dhacay...
Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ee Soomaaliya (NIEBC) ayaa Jimcaha ku dhawaaqay natiijooyinka doorashooyinka dib u dhacday ee Golaha Wakiillada Galmudug iyo golayaasha deegaanka.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhawaaqay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashadu ka qabsoontay 11 degmo, iyadoo tartanka ay ka qayb galeen 12 urur siyaasadeed oo ku loollamay
Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si wayn u bogaadiyay doorashooyinkii Arbacadii ka dhacay Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo si nabad ah oo xasilooni leh uga qabsoomay magaalooyinka waa wayn ee maamuladaasi. Ugu horreyn guddoomiye Muungaab ayaa u hambalyeeyay shacabka,
Shacabka ku nool Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay ugu codeeyaan musharraxiinta golayaasha degaanka iyo baarlamaannada labada dawladgoboleed. Doorashadu waxay ka dhacaysaa guud ahaan 23…
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashadu si habsami leh uga bilaabatay 10 degmo oo ka tirsan Hirshabeelle iyo 11 degmo oo ka tirsan Galmudug.
Waxaa maanta deegaannada HirShabelle iyo Galmudug ka bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka, iyadoo saaka ay shacabka u darareen goobaha cod-bixinta, si ay u doortaan xildhibaannada matalaya. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa si rasmi ah u furay doorashooyin
Doorashada qof iyo codka ee dowlad-goboleedka Galmudug ee ku celiska ah ayaa maanta ka dhacaysa deegaanno kala duwan oo ka tirsan maamulkaas, iyadoo shacabka ay safaf dheer dheer ugu jiraan inay codkooda ka dhiibtaan goobaha loo diyaariyey doorashada.