Wasaaradda Amniga oo Muqdisho kusoo xirtay shir looga hadlayey la-dagaallanka kooxaha hubeysan
Muqdisho – La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay kulamadii u dhexeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho – La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay kulamadii u dhexeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika.
Kulanka gabagabada ah ayaa dib loogu milicsaday wada-tashiyadii iyo kulamadii labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo dhinaca Xaruntu ay uga mahadcelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Amniga Qaranka, soo dhaweynta iyo fududeynta kulamadii ay la yeesheen hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Sidoo kale, wafdiga Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika ayaa bogaadiyay horumarka muuqda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay la-dagaallanka argagixisada.
Wafdiga ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dagaallanka · amniga · muqdisho
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada