Topic
Warkasta is tracking soobe across 3 reports from 3 sources. Recent coverage touches ahaa, guddoomiyaha, and hor, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Isgoyska Soobe kaga qeybgalay munaasabad lagu xusayay dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxii ay Khawaarijtu ka geysteen halkaasi 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo maanta laga joogo sagaal sano. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in 14-ka Oktoobar ay tahay maalin murugo…
14-kii Oktoobar, Sanadkii 2017, Soomaaliya waxaa ka dhacay mid ka mid ah qaraxyadii ugu waaweynaa uguna khasaaraha badnaa taariikhda dalka, kaas oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, isla markaana sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawaca dad kale oo aad u tiro badan.
Gaari weyn oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa 14-kii October sanadkii 2017 lagu weeraray Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof, halka qaar kalena ilaa haatan lagu la'yahay.