Topic
Warkasta is tracking dhacay across 5 reports from 3 sources. Recent coverage touches diplomacy, duqeymo, and galmudug, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur, oo loo yaqaan Cabdisamad, kaas oo lagu eedeeyay inuu bamb-gacmeed ku weeraray bar-koontarool oo ay ciidamada amnigu ku sugnaayeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Sida ay NISA sheegtay, weerarka ayaa dhacay shalay…
Mid kamid ah weerarkii ugu dhimashada badnaa ayaa maanta ka dhacay Suudaan, waxayna xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in dadka ku dhintey ay ganacsato Soomaali ah ku jirto. Magalada Al-Dibab ee gobolka Kordofaan ee Koonfurta Suudaan waxaa maanta ka dhacay weerar loo adeegsad diyaarad aan duuliye lahayn oo ay ku…
Saddex qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen duqaymo ka dhacay deegaanka Abyay ee ku yaalla xadka u dhexeeya Sudan iyo South Sudan, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Sudan iyo xoogagga RSF. Duqaymaha ayaa lagu beegsaday suuqa weyn ee magaalada Abyay, oo ah…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, xilli la qorsheynayo in Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si tartiib-tartiib ah ula wareegaan waajibaadka ay hadda hayaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Arrintan ayaa looga hadlay kulan saacado qaatay oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya,…
Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si wayn u bogaadiyay doorashooyinkii Arbacadii ka dhacay Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo si nabad ah oo xasilooni leh uga qabsoomay magaalooyinka waa wayn ee maamuladaasi. Ugu horreyn guddoomiye Muungaab ayaa u hambalyeeyay shacabka,