Topic
Warkasta is tracking hoggaamiyaha across 4 reports from 2 sources. Recent coverage touches galbeed, galmudug, and golaha, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Taliyaha Qaybta Guud ee Ciidanka Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa ka qaybgalay shir looga hadlay xaaladda amniga Galmudug, kaas oo uu maanta guddoomiyey Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Liibaan Axmed Xasan. Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaamiye Ku-xigeenka Galmudug, Cabdiweli Ibraahim Garyare, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qaybgalay kulan casho-sharaf iyo is-xogwareysi ah oo loo sameeyey xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan-doorashadoodu tahay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, kaas…
Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka Galmudug ay saacadaha soo socda tallaabo ka qaadi doonaan kooxo burcad-badeed ah oo uu sheegay inay ka soo baxsadeen hawlgallada ay ciidamada Puntland ka fuliyeen deegaannada xeebaha.