Topic
Warkasta is tracking wada across 13 reports from 5 sources. Recent coverage touches xasan, soomaaliya, and security, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la sii wado wada-hadallada siyaasadeed iyo xoojinta midnimada qaranka, isaga oo sheegay in horumar laga sameeyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu hirgelinayo doorashooyinka qof iyo cod. Khudbad uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, ayuu madaxweynuhu kaga hadlay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed…
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, guulaha laga gaaray amniga, horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland, iyagoo ka wada-hadlay duqeyn dhawaan ka dhacday xeebaha gobolka Nugaal. Sida ay Caasimada Online ka soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia, kulanka ayaa si gaar ah diiradda…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Jimco ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in beesha caalamku ay qorsheynayso wada-hadallo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallada la qorsheynayo in la qabto…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq, Fu’aad Xuseen, intii uu socday kulanka 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dardargelinta hawlaha Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya…
Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga dhinaca kalluumeysiga. Wasiiru-dowlaha Arrimaha…
Doha, Qatar — Dowladda Soomaaliya iyo Spain ayaa isku raacay in la baaro suurtagalnimada bilaabista wada-tashiyo siyaasadeed oo rasmi ah, kuwaas oo lagu qaban karo Muqdisho ama Madrid, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Doha…
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan isu tanaasul, isla markaasna si degdeg ah dib loogu soo laabto Miiska Wada hadalka, si loo ilaaliyo Xasiloonida dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ay gacan ka geysan doonaan fududeynta Wada hadallada iyo…
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in wada-hadal taleefan oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu ahaa mid miro-dhal ah, kaas oo diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka. Farriin uu ku baahiyay bartiisa X ayuu Abiy Axmed ku sheegay in labada hoggaamiye ay…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee dalka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu safiirka la wadaagay warbixin ku saabsan xaala
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Wasaaradda Warshadaha iyo Macdanta Dowladda Liibiya, Mudane Mustafe Cali Al-Samu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka u yimid xoojinta iskaashiga dhinacyada warshadaha iyo wax-soo-saarka labada dal. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha lagu horumarin karo iskaashi
Madaxweynaha Soomaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn. Xasan iyo Al-Sisi ayaa kulankooda kaga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wada-hadallo ama heshiis toos ah la gashay kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in xiriir noocaas ah uusan hadda ka dhexeyn labada dhinac. Xamza, oo wareysi siiyey barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayaa sheegay in mowqifka dowladda…