Topic
Warkasta is tracking masar across 16 reports from 5 sources. Recent coverage touches itoobiya, afrika, and afwerki, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo 16 dal oo kale ayaa si wadajir ah u cambaareeyay go’aanka dowladda Colombia ay safaaraddeeda Israa’iil ugu wareejisay magaalada Qudus. Dalalkan ayaa Bogotá ugu baaqay inay dib uga laabato tallaabadaas, iyaga oo ku dooday inay ka hor imanayso qaraarrada Qaramada Midoobay. Mowqifkan ayaa yimid kaddib markii Colombia…
Dowladda Masar ayaa digniin dadban u dirtay Itoobiya, iyadoo sheegtay inaysan aqbali doonin in dal aan xeeb lahayn uu Badda Cas u adeegsado ujeeddooyin milatari, xilli Addis Ababa ay sii xoojinayso dadaallada ay ku doonayso marin-badeedka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in Qaahira ay ku adkeysanayso in mas’uuliyadda amniga Badda…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil, la-taliyeyaal iyo kooxo farsamo oo Masaari ah ay diyaarinayaan goob la dejiyo ciidamo laga qorsheynayo inay Masar u soo dirto Soomaaliya, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin halka rasmiga ah ee la dejin doono.
Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, ayaa la sheegay in dowladda Masar uu ka codsaday inuu ka shaqeeyo garsoorka ciyaaraha dalkaas, isla markaana uu dego magaalada Qaahira.
Dowladda Masar ayaa billowday diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamo milatari ugu soo diri lahayd Soomaaliya, iyadoo saraakiil, tababarayaal iyo la-taliyeyaal ciidan oo Masaari ah ay ka shaqeynayaan qabanqaabada howlgalka, sida ay werisay warbaahinta The New Arab. Ciidamadan ayaa la filayaa inay Soomaaliya ku yimaadaan laba hannaan oo kala ah iskaashiga…
El Alamein, Masar — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa magaalada Alcalameyn ee dalka Masar ku yeeshay kulan looga hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo muhiim ah oo khuseeya Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika. Kulanka oo dhacay barqadii ayaa labada madaxweyne waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda…
Raysal wasaaraha Wadanka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa u jawabaya isbaahaysiga Soomaaliya, Masar, Eriteriya & Suudaan. “Deriskeennu waa saaxiibbadeen, laakiin haddii aanan Bad helin horumarkeennu ma dhammaystirmayo… annaga oo ka duuleyna mab’da bixi oo qaado (wax-kala-beddelesho) waxaa naga go’aan in aan helno marin-badeed.
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay bayaankii kasoo bxay shir-madaxeedka wadatashiga afar geesoodka ah ee madaxda waddamada Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya ee ka dhacay magaalada El Alamein, kaas oo laga soo saaray qodobo la xiriira arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka. Madaxda afarta dal ayaa si weyn…
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Masar, Madaxda dalalka Soomaaliya, Masar, Eriteriya & Suudaan ayaa yeelanaya shir gaar ah oo kaga wada hadlayaan arrimaha gobolka ee ay wada daneynayaan, gaar ahaan xaaladda Geeska Afrik & Amniga Badda Cas. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay gobolka ka jiraan isbeddello iyo xiisado siyaasadeed…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, iyadoo kulankan uu dhinac socday madasha ganacsiga Afrika ee ka socota magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar. Al-Sisi ayaa inta kulankan socday, wuxuu xaqiijiyay in Masar ay si adag u taageerto madaxbannaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo…
Madaxweynaha Eleteriya Isaias Afwerki ayaa maanta u safray dalka Masar halkaas oo uu kaga qaybgalo madasha ganacsiga Al-Calamayn iyo wadahadallo… Sii akhri
Magaalada New Alamein ee dalka Masar waxaa ka socda kulamo heer sare ah oo ay isugu yimaadeen madax iyo mas’uuliyiin ka kala socda dalal badan oo Afrika ah, iyadoo shirarka looga hadlayo arrimo muhiim u ah mustaqbalka qaaradda, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga iyo xoojinta iskaashiga dalalka Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar. Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya madasha al-calamayn oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhaqaale, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dardargelinta horumarka qaaradda Afrika, iyada oo madaxda iyo wakiillada dalalka Afrika ay ka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-Caalameyn ee dalka Masar uga qeyb-galaya munaasabadaha heerka sare ah ee Afrika oo soconaya 2-da ilaa 4-ta October. Kulamada uu madaxweynuhu ka qeyb-galayo waxaa kamid ah Madasha Afrika ee Al-Caalameyn (Alamein Africa Forum), shirka dalalka aasaasay Hay’adda Horumarinta Midowga Afrika (AUDA-NEPAD) iyo Shi
Midowga Afrika ayaa ka digay xiisadda sii xoogeysanaysa ee u dhexeysa Itoobiya, Eritrea iyo Masar, xilli xiriirka saddexda dal uu marayo marxalad xasaasi ah, iyadoo dhinacyadu ay isku weydaarsanayaan eedeymo iyo hadallo kulul. Ururka Midowga Afrika ayaa dalalkan ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta nabadda iyo xasilloonida…
Kaddib markii Itoobiya iyo Eritrea ay kala qaateen safaaradihii iyo ergadii ka shaqaynayay, waxay xiisadda dublumaasiyadeed u gudubtay Masar oo marka Itoobiya ay cayrisay dublumaasi sare oo dalkeeda joogay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in dalka ay ka ceyrisay diblomaasi sare oo ka tirsanaa Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta…