Topic
Warkasta is tracking ciidamada across 20 reports from 4 sources. Recent coverage touches itoobiya, buurhakaba, and diplomacy, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Dad dhowr ah ayaa ku dhintay dagaal maalmihii u dambeeyay magaalada Moyale ku dhex marayay ciidamada dowlad-deegaannada Soomaalida iyo Oromia ee dalka Itoobiya, sida ay ilo wareedyo Sabtidii u sheegeen wakaaladda wararka AFP. Dagaalka, oo salka ku haya muranno dhuleed, ayaa billowday Talaadadii, kaddib markii calanka dowlad-deegaanka Soomaalida laga taagay magaalada.…
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Sayid Axmed Siidii, ayaa maanta booqasho iyo dhiirrigelin ugu tagay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ciidamada ku wareejiyey deeq ka kooban xoolo nool, taas oo loogu talagalay dhiirrigelinta iyo garab istaagga geesiyaasha…
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Sarreeye Guuto Salaad Maxamed Guuleed ku xukuntay Dable Boolis Jamaal Xasan Cabdulle, oo la sheegay inuu geystay dilka taliyihii hore ee hoggaanka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale, maxkamaddu waxay Mustaf Xuseen Guure oo loo yaqaan Kaamil ku xukuntay…
Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa maanta booqatay magaalada Beledweyne. Intii ay booqashada ku jirtay, waxay kormeer ku sameysay howlaha saadka, waxayna la kulantay shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo ciidamada AUSSOM ee ka howlgala magaalada. Sadozai waxay…
Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo looga hadlay Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka. Kulanka oo ka dhacay…
Maleeshiyaadka taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si nabad ah ula wareegay magaalada Bardaale ee gobolka Baay, taas oo noqonaysa magaalada saddexaad ee ay kala wareegaan maamulka Koonfur Galbeed. Qabsashada Bardaale ayaa timid xilli ay isbeddel ku sameeyeen qaabka ay ula wareegayaan magaalooyinka, kaddib markii dagaalladii tooska ahaa ee ay la…
Koonfurgalbeed: Xoogagga Laftagareen ayaa la wareegey magaalada muhiimka ah Burhakaba, iyada oo noqoneysa magaaladii labaad ka dib Qansaxdheer oo ay todobaadkan galeen. Maamulka Aadan Madoobe ayaa sheegey in kooxda AS ay la socoto, garabka garabka Laftagareen ayaa se iyagu diidey eeddaasi. DFS ayaa iyadu xoojisey ammaanka caasimadda maamulka ee Baydhabo,…
BUURHAKABA, Soomaaliya — Ugaas iyo Guddoomiye Watiin ayaa khudbado ka jeediyay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib markii ay degmada la wareegeen ciidamada taageersan maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Buurhakaba ayaa ku taalla gobolka Baay, qiyaastii 60 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan magaalada Baydhabo iyo ku dhowaad 180 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho. L
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed oo isku dhinac iyo ciidamo taabacsan Laftagareen uu ka socda Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada taabacsan madaxweynihii…
Xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sii xoogeysanaysa, kaddib markii ciidamada federaalka Itoobiya ay u dhaqaaqeen dhanka magaalada xuduudda ku taalla ee Zalambessa, iyadoo dagaallo hor leh oo dib uga soo cusboonaaday gobolka Tigray ay sare u qaadeen cabsi laga qabo iska horimaad militari oo dhex mara labada dal.
Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Mareykanka ayaa subaxnimadii Isniinta baaritaan ku sameeyey guriga ay magaalada Washington ku leedahay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee Ilhan Omar, iyadoo Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ay xaqiijisay in hawlgalku qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed socda. Ciidamada fuliyey hawlgalka ayaa ka tirsanaa hay’adda Homeland Security
MUQDISHO, 11, Oktoobar 2026 [HMC] – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee Hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Falalkan, oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad…
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo maalmihii ugu dambeeyay laga dareemay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka dalka. NISA ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata mad
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar-gelisay qorista dhallinyaro cusub oo lagu biirinayo ciidamada kala duwan ee dalka, iyadoo isu diyaarineysa in ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga marka la dhimo ama la soo afjaro howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Qorista ciidamada cusub ayaa ka socota gobolka Banaadir iyo maamullada HirShabelle, Galm
Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la wareegay gacan ku-haynta degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay oo qiyaastii 90KM u jirta magaalada Baydhabo. Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamadii halkaas ku sugnaa ay isu dhiibeen xoogagga taageersan Lafta-gareen, halka…
Magaalada Mekelle, oo ah caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, ayaa weli ka maqan maamul rayid ah oo si buuxda u shaqeynaya, maalmo kaddib markii ciidamada taageersan dowladda Itoobiya ay la wareegeen magaalada.
Xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaartay heer cusub oo halis ah, kadib markii ciidamada Eritrea lagu soo warramay inay gudaha u galeen waqooyiga Itoobiya, halka xukuumadda Addis Ababa ay Asmara ku eedeysay duullaan cusub oo ay dalbatay in ciidamadaasi dib loo saaro. Dhaqdhaqaaqyada cusub ayaa imaanaya xilli ciidamada…
Guddoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey, ayaa kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidamada Amniga Doolow, halkaas oo uu kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Jubbaland. Guddoomiye Lafeey ayaa xarunta waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Amniga Doolow, Maxamed Xasan Buulle “Sanka”, oo guddoomiyaha warbixin ka siiyay xaaladda guud ee ciidamada, howlgalada…
Dagaalka Yemen ayaa galay marxalad aad u kulul kadib markii duqeymo xooggan oo cirka ah iyo weerarro dhulka ah ay isku mar ka billowdeen deegaannada istaraatiijiga ah ee ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, iyadoo ciidamada dowladda Yemen ee taageerada ka helaya Sacuudiga ay wadaan guluf ballaaran oo ka dhan ah Xuutiyiinta.…
Ciidamada taageersan dowladda federaalka Itoobiya ayaa ku sii dhawaanaya magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, xilli dagaallada waqooyiga dalka ay si degdeg ah u sii xoogeysanayaan, isla markaana ay sii kordheyso cabsida laga qabo in colaadda ay isu beddesho dagaal goboleed. Maleeshiyaadka Tigray Peace Forces (TPF), oo la safan dowladda federaalka…