Topic
Warkasta is tracking doorashada across 12 reports from 4 sources. Recent coverage touches galmudug, madaxweynaha, and guddiga, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa si adag ugu hor yimid doorashada ka socota Hirshabelle, isagoo sheegay in doorashada ka dhacaysa Jowhar ay tahay mid ku kooban MW Xasan Sheekh iyo kooxdiisa. “Waxaan caddaynaynaa in waxa doorashada lagu tilmaamay ee Jowhar la sheegay in lagu qabanayo ay yihiin wax…
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka dowlad-goboleedka HirShabeelle oo xalay lagu doortay magaalada Jowhar. Muungaab ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamuud iyo labada ku-xigeen
Galmudug ayaa noqotay maamulkii labaad ee hoggaamiyahooda ay doortana Gole wakiilo oo ay dadku soo doorteen, wallow mucaaradka Soomaaliya ay si weyn u dhaliileen doorashada qof iyo codka ah.
Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaasi. Illaa afar musharrax ayaa ku loollamaya xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo shalay Golaha Wakiillada Galmudug kahor jeediyay barnaa
DhuusamareebMagaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen ee maamulkaas, iyadoo ay diyaar-garowga doorashadu ka socoto xarunta lagu qabanayo codbixinta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay jadwalka ay guddiga doorashooyinku soo saareen ee ku saabsan xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha dalka, iyadoo sheegtay inay bilaabi doonto diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashadaas.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha dalka. Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in xukuumad
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah xoghayaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray kaga fal-celiyay jadwalka doorashada heer federaal ee uu maanta shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka. Jadwalka ayaa dhigaya in doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhacdo 15-ka…
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashooyinka ee heer federaal, gaar ahaan doorashada labada gole iyo tan madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 15-ka April 2027 ay dhici doonto doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaal
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa saaka shaaciyay jadwalka doorashada hoggaaanka sare ee Galmudug, gaar ahaan doorashada guddoonka baarlamaanka, midda madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Guddiga ayaa sheegay in 18-ka bishan ay dhacayso doorashada guddoonka Golaha Wakiilada, taas oo haatan si loogu diyaar garoobayo. Sidoo kale, doorashada madaxweynaha c
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iayaa shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaanka sare ee maamulkaas, kuwaas oo la qorsheeyey inay qabsoomaan inta u dhexeysa 13-ka iyo 22-ka Oktoobar 2026.
Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle ayaa ka socota deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, iyadoo dadweynuhu ay u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashada xubnaha matalaya golayaasha maamulka.