Topic
Warkasta is tracking badda across 7 reports from 4 sources. Recent coverage touches itoobiya, cas, and ciidankeeda, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, isaga oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda, Cabdiqaadir Cumar Macallin, iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda, Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, oo ahaa kusimaha wasiirka. Ra
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Gaashaanle Sare Maxamed Cabdiqaadir oo loo yaqaan “Shariif” u magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, iyadoo xilkaas laga qaaday Sarreeye Guuo Cabdiwahaab Cabdullahi Cumar oo muddo dheer soo hayay. Taliyaha cusub ee lasoo magacaabay ayaa ka mid ah saraakiisha leh waxbarasho iyo tababar ciidan
Itoobiya ayaa ka digtay in dhaqdhaqaaqyada militari ee ku sii kordhaya Badda Cas, loollanka quwadaha shisheeye iyo weerarrada maraakiibta ganacsiga ay halis ku yihiin xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamka. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, Redwan Xuseen, ayaa digniintan ka jeediyay kulan ay ergayda gaarka ah ku yeesheen magaalada…
China iyo Jabuuti ayaa ku baaqay in dhammaan dalalka loo xaqiijiyo xorriyadda isu socodka Badda Cas iyo marinka Baabul-Mandab, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda amni ee gobolka oo sii xumaaneysa. Baaqan ayaa lagu soo saaray bayaan wadajir ah kadib kulan magaalada Beijing ku dhexmaray wasiirrada arrimaha dibadda labada dal. Bayaanka, oo…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS. Xukuumadda Soomaaliya oo buuxisay booskii Wasiirnimo ee uu baneeyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac. Ra’iisul Wasaare Xamsa markii uu arkay qodobka 120-aad farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka…
Dowladda Itoobiya ayaa wada qorshe lagu ballaarinayo awoodda ciidankeeda badda, iyadoo diiradda la saarayo tayeynta tababarrada, dhismaha kaabeyaasha ciidanka iyo sameynta cutubyo gaar ah oo dagaal, si ay uga hortagto khataraha amniga una ilaaliso danaha qaranka.
Dowladda Masar ayaa digniin dadban u dirtay Itoobiya, iyadoo sheegtay inaysan aqbali doonin in dal aan xeeb lahayn uu Badda Cas u adeegsado ujeeddooyin milatari, xilli Addis Ababa ay sii xoojinayso dadaallada ay ku doonayso marin-badeedka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in Qaahira ay ku adkeysanayso in mas’uuliyadda amniga Badda…