Topic
Warkasta is tracking koonfur across 14 reports from 5 sources. Recent coverage touches galbeed, golaha, and sheekh, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda iyo amniga deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada nabadaynta, dagaalka…
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli kasii socda kulamo xal loogu raadinayo Koonfur Galbeed oo ay weli ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulkaasi. Guddi iskiis isugu xilqaamay nabadeynta Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,…
MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddi iskood isku xilqaamay oo u taagan nabadeynta iyo xasilloonida Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddigan oo ay ka kooban yihiin ganacsato, culimo iyo xubno ka tirsan qurba-joogta ayaa Guddoomiyaha u soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah i
Wasiirada Haweenka iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Marwo Sahro Ahmed Osman ayaa kulan la qaadatay Safaaradda Denmark ee Soomaaliya. Kulanka wuxuu ku saabsanaa xoojinta iskaashiga iyo taageerada haweenka. Wasiir Sahra ayaa u Mahad celisay dowladda iyo shacabka Denmark taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Koonfur Galbeed, gaar…
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Dowladda Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dib-u-xo
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa walaac ka muujiyey xaaladda amni ee deegaannada maamulka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaallada ka dhanka ah ciidamada taabacsan laftagereen iyo sugidda amniga shacabka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyey kulan casho-sharaf iyo is-xogwareysi ah oo…
Ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku fiday magaalooyin iyo degaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bay, taas oo…
Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo guluf culus oo ka dhan ah ciidanka taabacsan Lafta-gareen ee qabsaday degmooyinka Qansaxdeere, Bardaale, Buurhakaba iyo Diinsoor ee gobolka Baay. Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sheegay in shacabka ay maqli doonaan war ay…
Ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta la wareegay degmada Bardaale ee gobolka Bay, xilli… Sii akhri
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay socdaan howlgallo lagu soo celinayo amniga iyo kala dambeynta degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaddib markii ay gudaha…
Rabshado ka dhan ah ajaanibta oo ka dhacay deegaannada Soweto iyo Durban ee dalka Koonfur Afrika ayaa sababay bililiqo, gubidda gaadiidka iyo burbur hantiyeed, iyadoo ganacsatada ajaanibta ah, oo ay Soomaalidu ka mid tahay, ay wajahaan walaac cusub oo la xiriira badbaadadooda.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shir Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada ee deegaanada Koonfur Galbeed. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga iyo sugidda nabadgelyada, iyadoo…
Golaha Wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo, iyadoo uu shir-guddoomiyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).…
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed, iyadoo si gaar ah looga h