Topic
Warkasta is tracking mareykanka across 17 reports from 4 sources. Recent coverage touches eritrea, soo, and soomaaliya, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Injineer hore uga tirsanaa shirkadda caanka ah ee OpenAI, oo lagu eedeeyay inuu qalab wax duuba si qarsoodi ah u dhex dhigay qolka shirarka madaxda sare ee shirkadda, ayaa la aaminsan yahay inuu taageero la taaban karo ka helay dowladda Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha federaalka Mareykanka. Dokumiintiyo ay…
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, oo ah Ku-simaha Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca, taageerada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarka…
In ka badan 137 milyan oo doollar ayaa lagu kharashgareeyay xayeysiisyada siyaasadeed ee adeegsada sirdoonka macmalka ah (AI) intii lagu jiray ololaha doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee 2026, taasoo muujinaysa sida tiknoolajiyaddan ay ugu sii fideyso ololayaasha siyaasadeed iyo tartanka doorashada.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqay inay joojiyaan tallaabooyinka sii hurinaya xiisadda, khilaafkoodana ku xalliyaan waddo diblomaasiyadeed. Baaqa ayaa yimid…
Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan uu doonayo inuu ku dhiso dacwad dhalashada Mareykanka looga qaadayo xildhibaan Ilhaan Cumar, si ugu dambeyn dalka looga masaafuriyo, sida uu Arbacadii shaaciyey wargeyska The Wall Street Journal. Baaritaanka ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira in Ilhaan Cumar ama aabaheed oo geeriyooday ay…
Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wax kasta oo horseedi kara xad-gudub ama duullaan ka tallaaba xuduudaha, xilli ciidamada federaalka Itoobiya ay si xawli ah ugu siqayaan xadka Eritrea, arrintaas oo sare u qaadday cabsida laga qabo in dagaal cusub uu ka qarxo Geeska Afrika. Xoghayaha Arrimaha…
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku baaqay in dalalka Geeska Afrika ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka deriska ah, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyinka xuduudaha looga gudbayo ee sii hurin kara colaadaha gobolka.
Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Mareykanka ayaa subaxnimadii Isniinta baaritaan ku sameeyey guriga ay magaalada Washington ku leedahay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee Ilhan Omar, iyadoo Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ay xaqiijisay in hawlgalku qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed socda. Ciidamada fuliyey hawlgalka ayaa ka tirsanaa hay’adda Homeland Security
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Robert Flannery, oo ah la-taliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Afrika ee Dowladda Mareykanka, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka digay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay doonayso inay hawlgalladeeda ku ballaariso Soomaaliya, tallaabadaas oo abuuri karta khatar cusub oo ku wajahan maraakiibta isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka. Sida uu maanta oo Jimce ah qoray wargeyska militariga Mareykanka ee…
Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii ka digtay suurta-galnimada weerarro masaafo dheer ah oo lagu qaado xarumaha militariga Itoobiya, kuwaas oo laga yaabo inay gaaraan bartilmaameedyo ku yaalla caasimadda Addis Ababa, xilli dagaallada waqooyiga dalka ay sii xoogeysanayaan. Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa digniin amni oo ay soo saartay ku sheegtay…
Oktt 06 (Jowhar)- Donald Trump ayaa qirtay in “hanjabaado” ay sababeen in Mareykanku uu diyaaradaha P-1 bambo-tuurka ah ka raro saldhig ciidamada cirka ee UK, isagoo sheegay in diyaaraduhu aysan saldhigga RAF Fairford uga bixin “si kadis ah”. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradaha milatariga laga raray saldhigga Gloucestershire si looga jawaabo xaaladda soo korortay,…
Dowladda Mareykanka ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqday inay muujiyaan xakamaynta ugu sarreysa, kana fogaadaan tallaabooyin horseedi kara dagaal cusub oo saameeya guud ahaan Geeska Afrika.…
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay La-taliyaha sare ee Madaxweynaha Mareykanka u qaabilsan arrimaha Carabta iyo Afrika Massad Boulos, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay kaga wada-hadleen arrimo la xiriira…
Tirada Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee lagu amray in laga masaafuriyo Mareykanka ayaa si weyn kor ugu kacday sanadkan, iyadoo in ka badan 500 oo qof ay heleen amarro masaafurin, taas oo ku dhow toban jibbaar tiradii sanadkii 2025. Wargeyska Minnesota Star Tribune, oo falanqeeyay xogta dowladda federaalka, ayaa sheegay…
Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa wajahaya caqabado cusub, iyadoo loolanka siyaasadeed ee ka taagan gudaha Mareykanka uu saameyn ku yeelanayo dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka maamulka Madaxweyne Donald Trump.
Isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ayaa soo gabagabeeyay howlgalkii milatari ee uu muddo ka badan toban sano ka waday dalka Ciraaq, kaas oo si rasmi ah loo bilaabay sanadkii 2014-kii, xilli ciidamada isbahaysiga loo diray Ciraaq iyo Suuriya si ay ula dagaallamaan kooxda Daacish.